Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Dallada PUNSAA

15 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Dallada PUNSAA, kadibna xilka u kala wareejiyey hogaanka cusub iyo kii hore.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey hogaankii hore ee Dallada PUNSAA dedaalka ay geliyeen sidii PUNSAA ay u heli lahayd deegaan rasmi ah oo ay ku shaqeeyaan, isaga oo xusay muhiimada dalladu u leedahay bulshada Rayidka ah iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay in lagu garab istaago shaqooyinka baaxada leh ee ay hayso.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka qayb galay Munaasbad kooban oo ay Xilka kula kala wareegayeen hogaanka cusub ee Dallada iyo hogaankii hore, isaga oo uga mahadceliyey Guddoonkii hore guulaha la taaban karo ee ay gaadheen, Guddoonka cusubna kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan shaqooyinka horyaal.

About The Author