Sawirro-Muuqaal: RW Xamse oo booqday degmada Aadan Yabaal

14 Dec 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Aadan Yabaal oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay meel fagaare ah oo ku taal degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah 1) in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo 2) in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ilaa laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf.

Degmada Aadan Yabaal oo laga xorreeyay argagixisada toddobaad ka hor, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu maanta waxa uu dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha degmada oo si degdeg ah loo dhisi doono.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ay gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal.

About The Author