Wasiirka Qorshaynta Puntland oo shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta

18 Dec 2022 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda si baariraan loogu sameeyo.

Wareegtada ayaa lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka.

Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta.

Puntlandes.com

About The Author