Cabdullaahi Xaashi ”Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayaa dil lagu xukumay”

18 Dec 2022 (Puntlandes) Sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Alshabaab ayaa yeeshay weji cusub mid ka mid ah kiiskaas.

War cusub ayaa wuxuu ka soo baxay ehelladii Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiisa ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow, kaasi oo dil toogasho lagu xukumay.

Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah oo Jareerka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale Xuseen Sabriye ayaa qoraal uu soo saaray ku in Cabdulaahi Xaashu u sheegay in intii uu isbitaalka ku jiray walaalki au yimaadeen qoyskii askariga dhaawacay walaalkiis, wayna u keeneen $1,000 oo au u isticmaaleen qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa, wuxuuna geeryooday 20kii oktoober 2022.

Puntlandes.com

About The Author