Sawirro: Madaxweyne Deni oo gaaray deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug

19 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyey Masuuliyiinta Degmada Jariiban, Guddiga Dhismaha Dekadda Garacad oo ay Weheliyaan Masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degaanka Garacad.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan laakiin waxay ku wajahan tahay Dekedda Garacad oo dhawaan xariga laga jaray, qayb ka mid ahna uu wali dhisme ka socdo.

About The Author