Ciidamada Somaaliya oo gacanta ku dhigay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab

19 Dec 2022 (Puntlandes) Koox ka tirsan Alshabaab oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Horjooge Macalin Xudeyfa ayaa horkacayay maleeshiyaadka Alshabaab ee dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.

About The Author