Sheekh Shariif, Dr Gaas, Cumar C/rashiid iyo Khayre oo baaq ka soo saaray xaalada Baydhabo

24 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sadex ka mid ah Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Koonfur Galbeed gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartaan siyaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, ayagoo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro doodda taagan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay. Sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtana muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.”

Sidoo kale siyaasiyiintaan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay qaadato doorkeeda ku aadan xaaladda K/Galbeed.

“Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa sidoo kale ay intaasi ku dareen in dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay u turid iyo isku taasulid si looga baaqsado in dib loogu laabto dhibaatooyinkii horay u dhacay.

About The Author