Sawirro: Ururrada Siyaasadda ee Mideeye & Dhalinyarada oo Bosaso ku kulmay

24 Dec 2022 (Puntlandes) Shir wada tashi oo ay isugu yimaadeen Ururrada Siyaasadda Mideeye & ururka dhalinyarada oo ka mid ahaa Ururradii 29 November 2022-ka soo saaray bayaankii 13-ka qodob. Kulanka gogoshaas waxaa fidiyey Urur siyaasadeedka Dhalinyara, si loo saxo hanaanka doorashada Puntland.

Gudoonka labada urur waxaa ka go’an sidii loo hirgalin lahaa qodobadaas aas aaska u ah doorashada golayaasha deeganka oo u dhacda si xor iyo xalaal ah, daah furan natiijadeedana lagu qanci karo.

Ururadu waxay watashiyo balaaran la fureen bulshada qeybaheeda kala duwan dhinacyada siyaasiyiinta, aqoonyahanka, odayaasha, culumo’awdiinka, dhalinyarada & haweenka..

Ururadu waxay sii wadi doonan shirarka & wadatashiyada ilaa laga saxayo 13-ka qodob.

About The Author