Laascanood: Ciidamada Somaliland oo shacabka Rasaas culus u adeegsanaya maalinkii 4-aad

30 Dec 2022 (Puntlandes) Isu soo baxyo ay shacabka magaalada Laascaanood ku muujinayaan dareenkooda ay uga soo horjeedaan maamulka Muuse Biixi ee Somaliland ayaa maalintii afraad si xoogan uga socda magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa shacabka u adeegsanaya Rasaas aad u cuculus waxaana maanta jira sidii maalmihii hore dhimasho iyo dhaawac.

Sheekh Bide Faarax Caalin oo kamid ahaa waxgaradka iyo Culumada magaalada Laascaanood ayay salaadii jimcaha ka dib, dileen ciidanka Somaliland ee kusugan magaaladaas, si ula kac ah.

Boqolaal qof oo shacab ah, kana soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee Laascaanood ayaa dareenkooda cabiraya, iyagoo dalbanaya in looga baxo gobalkooda, halka ciidanka maamulka Somaliland u adeegsanayaa hubka culus.

Ficilada argagax leh, ayay cambaareeyen inta badan siyaasiinta iyo waxgalka Soomaaliyeed, Siyaasiinta & Waxgaradka Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ku kooban baaqyo.

Puntlandes.com

.

About The Author