Beesha Caalamka oo ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah

Saaxiibada caalamiga ah ayaa ku baaqay in la dejiyo lana xakameeyo xaaladda laascaanood

1 Jan2023

Muqdisho –  Saaxiibada Beesha caalamka* ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan.

Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

About The Author