Magaalada Laascaano oo uu ka bilowday Qax xooggan

02 Jan 2023 (Puntlandes) Shacabka ayaa gudaha magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool ka bilaabay Qax xooggan oo ay uga qaxayaan guryahooda.

Sida goobjoogeyayaal magaalada ku sugan xaqiijinayaan labo jiho ayaa magaalada looga qaxayaa, dhanka bariga iyo dhinaca howdka.

Waddooyinka magaalada waxaa ku sugan ciidamo aad u badan oo Somaliland ka amar qaata, kuwaas oo dadka ku khasbaya inay xaafadaha joogaan.

Isgaarsiinta, gaar ahaan aalada wax lagu gudbiyo ayaan shaqeynyayn, walow wicitaanku caadi yahay.

Banaanbaxayaashu waxay sheegayaan inay bilaabayaan mudaharaadka, meelaha qaarna dadku isu soo baxeen.

Banaanbaxa shacabka magaalada Laascaanood ayaa wuxuu galay maalinkii 8-aad rayidka ayaana lagu laynayaa gudaha magaalada, wax gurmad ahna weli ma aysan helin.

Puntlandes.com

About The Author