Deni “Puntland ciidankeeda diyaar ayuu u yahay difaaca dhulkeeda”

02 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inu aad uga xun yahay xaalada Gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu gobolka Sool yahay mid ka tirsan Puntland oo dad Soomalinimada diidan xoog ku haystaan.

Xukumada Puntland ayuu sheegay inay diyaar u tahay inay ka dufaacdo dhibkasta oo haysa Dadka Reer Sool.

Maamulka Somaliland waa inay ogaada dadka ay laynayaan inu dad iyo xukumad leeyahay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Fariin u diray Ciidamada iyo Siyaasiyiinta reer Sool ee Somaliland kuna sugan Gobolkaasi.

Puntland ayuu sheegay in ay diyaar u tahay taageero, garab istaag iyo ciidankeeda oo diyaar u ah difaaca dhulkeeda.

Deni ayaa cadeeyey in ay dhinaca Puntland mar kasta diyaar u tahay xal siyaasadeed iyo mid dagaal labada.

Madaxwayne Deni” waxaan farayaa Reer Sool in ay Midoobaan, waxaa ayaan darro ah qayb iyaga ka mid ah in uu dhinaca kale la jiro.

Hadeljeedinta madaxweynaha filo dhawaan:

Ountlandes.com

About The Author