Sawirro: Kulan loogu uruurinayay dhaqaale dhismaha Wadada isku xirta Bursaalax iyo Gaalkacyo oo Gaalakacyo lagu qabtay

02 Jan 2023 (Puntlandes) Magaalada Gaalakacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo loogu uruurinayay dhaqaale dhismaha wadada isku xirta Bursaalax iyo Gaalkacyo.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka gobalka Mudug nan Degmada Gaalkacyo, kan Degmada Bursaalax, Gudiga Dhismaha Wadada Bursaalax iyo Gaalkacyo, Gudoomiyaha Wadooyinka Puntland (PHA), Isimo, Nabadoono, waxgarad, Ganacsato iyo Qaybaha kale ee Bulshada.

Dhamaan dadkii halkaas ka hadlay waxay hoosta ka xariiqeen qiimaha ay leeda in la dhiso wado gaar ahaan wadadan halbowlaha u ah isku socod gobolka Mudug, gobolka iyo Itoobiya.

About The Author