Sawirro: Macalimiin Masaari ah oo booqday Mashruuca horumarinta Degmada Bursaalax

02 Jan 2023 (Puntlandes) Macalimiin Masaari ah oo uu weheliyo Axmed Cali Biixi oo ah Samafale ka shaqeeya Arimaha Waxbarada iyo gudoomiyaha waxbarashada gobalka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay qaybaha kala duwan ee Mashruuca Hormarinta degmadda Bursaalax ee gobolka Mudug.

Macalimiin oo ka hawlgala gobolka Mudug, Samofale Axmed iyo gudoomiyaha ayaa waxa warbixin ka siiyay Mashruuca  Maareeyaha Mashruuca Ibrahim Cabdi Warsame.

Wafdiga ayaa waxay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee Mashruuca sida:

A-Qaybta Waxbarashada oo ka kooban Dugsi Hoose/Dhexe, Dugsi Sare, Dugsi dadka waayan, Qaybta Farsamada kala duwan, Qaybta kollejooyin oo jiif iyo cunto leh.

B- Qaybta Caafimaadka oo ka kooban Xarun caafimaad oo bixisa 4 qaybood oo adeeg bulsho ah.

C-Iyo qaybaha kale ee Mashruuca

About The Author