Sawirro: Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Wadada Isku xirta deegaanka Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle

07 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Wadada Isku xirta deegaanka Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle, wadadaasi oo Hab casri ah oo Laami ah loo dhisay.

Dhismaha Wadada Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle waxaa hirgelisay Dowladda Puntland oo kaashanaysa Midowga Yurub & UNOPS, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah ee Isxilqaan.

About The Author