Goaan ah in Ciidamada Somaliland ka baxaagobolka Sool oo Laascaanood laga soo saaray

08 Jan 2023 (Puntlandes) Shir guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ee Laascaanood ka dhacay oo ay yeesheen waxgaradka Gobolka Sool ee magaaalada ayaa laga soo saaray warsaxaafeed ku saabsan aayaha Gobolka Sool.

Go’aamadii ayaa waxaa soo saaray Guddi ka kooban 33 xubnood oo uu Garaadku shalay u saaray arinta Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, waxaana ka mid ah qodobada:

-In Ciidamada Soomaliland isaga baxaan Gobolka Sool

-Wixii dhib ahaa ee laascaanood ka dhacay in Soomaliland qaadayso masuuliyadeed

-in Amniga Gobolka Sool lagu wareeejiyo Ciidama u dhashay Beeshalaha Dhulbahante iyo Fiqi shini si Ku meel gaar ah

-In Shacabku is dajiyo oo joojiyo bakaraca ay kaga baxayaan magaaalada.

-In Ciidamada dhulbahante ee jooga meelaha ka baxsan laasacaanood ay ka war sugaan Guddiga Aaya ka talinta Gobolka Sool.

About The Author