Jubaland, Galmudug, KG iyo Hirshabelle oo ka dalbaday Beesha Caalamka inaysan mashaariicdooda usoo marin DFS

09 Jan 2023 (Puntlandes) Dawlad Gobaleedyada Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka inaysan mashaariicdooda u soo marin Dawladda Federaalka Soomaaliya, aysana kala shaqeyn karin wax aysan dhinacyadu heshiis ku aheyn.

Qoraal ay u direen Beesha Caalamka 5 bishan Janaayo, ayay ku eedeeyeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay ku xadgudubtay wixii lagu heshiiyay oo aysanay fulin.

Sida lagu cadeeyey qoraalka Dawlad gobaleedyada ayaa waxay sheegteen in ay dhankooda u madax banaan yihiin in ay wada shaqeyn toos ah la yeeshaan Hay’adda FAO.

Puntland ayaa horey u diiday hanaankan, xili dawlad gobaledyada kale ay aqbaleen, laakiin hadda ugu dambeyn iyaga ayaa cabashadan qaba.

About The Author