Sawirro: Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Puntland ooa lahorkeenay 15 ku eedaysan inay katirsan yihiin Alshabaab

10 Jan 2023 (Puntlandes) Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta lahorkeenay 15 eedaysane oo ku eedaysan inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Eedaysanayaasha oo horay loogu qabtay Doon Hub u siday Alshabaab laguna qabtay Degmada bandar bayla ayaa isugu jira somali iyo ajaanib udhalatay Yemen.

Sidoo kale xubnahan ayaa Waxayna usugu jireen dagaalamayaal ka tirsan argagixisada buuraha kujira, kuwaas oo ka qayb galay dagaalo ay kgaysteen Xeryo Ciidamada Puntland kuleeyihiin.

Xeryaha ay weerarkooda ka qayb ahaayen ayaa ah Af-urur, Bali khadar iyo shabakado uqaabilsanaa argagixisada Qaybta saadka raashinka Tashkiilinta iyo marti galinta.

Eedaysanayaasha ayaa maxkamada horteeda ka qirtay eedaha xeer ilaalinta qaybtood.

About The Author