Golaha wasiiradda DFS oo ansiixiyay hindise sharciyeedyo kala duwan

12 Jan 2023 (Puntlandes) Golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ansiixiyay hindise sharciyeedka kala duwan , kuwaas oo kala ah:

1- Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya

2- Hindise-Sharciyeedka dhiiri-gellinta Maalgashiga Soomaaliya

3- Hindise sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo magaabista Guddiga xaqiijinta dadaallada Cunagabateynta Hubka looga qaadayo Soomaaliya

Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Puntlandes.com

About The Author