Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh “argagixisada Alshabaab waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka soomaaliyeed iyagiina waa diideen”

12 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa shacabka magaalada Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Alshabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

About The Author