Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka

14 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka, iyadoo dhawaan ay Puntland soo saartay inay wadaxaajood toos la gelayso DFS ay u dhawqmayso sidii dawlad madaxbanaan.

Hoos ka akhriso Xeerka Madaxweynaha iyo xubnaha uu u magacaabay:

Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka.

Garoowe: 14 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka.

Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 9-kii Jan 2023 Madaxtooyada Puntland.

Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.

Waxuu Xeeriyey:

Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.

Guddiga Goleyaasha Dowladda:

1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye

2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen

3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin

4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin

5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin

6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin

7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin

8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin

9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin

10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin

11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin

12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin

13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin

Guddiga Khubarada:

1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye

2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen

3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin

4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin

5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin

6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin

7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin

8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin

9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author