Sawirro: Wasiirka Maaliyadda XFS oo furmay shirka deyn-cafinta

15 Jan 2023 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta furmay shirka deyn-cafinta ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda oo Wasaaradda Maaliyadda ay hoggaan u tahay iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiir Cilmi ayaa yiri”Shirkaan inta uu socdo waxa aan diiradda ku saaraynaa wixii innooga qabsoomay hannaanka dub-u-habeynta Maaliyadda sanaddii tagtay ee 2022 iyo heegsigeena sanadkaan 2023 oo aan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno barta kama dambeysta ah ee deyn-cafinta”

About The Author