Muuqaal: TPEC oo ka warbixiyay waqtiyada ay soo gaba-gaboobayaan Diiwaangelintu sheegtayna in isdiiwaangelintu aad u yar tahay

16 Jan 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, (TPEC) Cabdirisak Axmed Saciid, ayaa ka warbixiyay waqtiyada ay soo gaba-gaboobayaan Diiwaangelinta saddexda gobol ee kala ah Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

1-Gobolka Bari waxay soo xirmaysaa 20ka bishaan marka laga reebo degmada Isku Shuban oo gadaal ka bilaabatay, iyadoo ay horay u qorshaysnay 17ka bisha.

2-Gobolka Karkaar waxay soo xirmaysaa 21ka bishaan marka laga reebo degmada Isku Shuban oo gadaal ka bilaabatay.

3-Gobolka Gardefuu waxay soo xirmaysaa 25ka bishaan marka laga reebo degmada Isku Shuban oo gadaal ka bilaabatay.

Degmada Bilidhidin wali kama bilaabay diiwaangelintu sababo uu gudoomiyuhu ku sheegay amni dartood.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin dad isdiirwaangelinaya wuxuuna yiri ”goobuhu waa faaruq qaar baan waxba laga diiwaangelin, qaar baa 5 qof maalintii laga diiwaangeliyaa, Bosaso oo kale qaar baa 10 qof laga diiwaangeliyaa, dad saf ku jiraa ma jiraan”

About The Author