Suldaan Maxamamud Suldaan Jamac ” Waa inaan laysu xirin nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo mudo xileedka uharay Xukuumada hada talada haysa”

18 Jan 2023 (Puntlandes) Suldaan Maxamuud Suldaan Jaamac oo ah Xoghayaha Isimada Puntland ayaa warqad furan oo  ku socotaGudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, (TPEC) Cabdirisak Axmed Saciid waxa uu uga hadlay waxyaalaha loo baahan yahay in la sameeyo si shacabka gobolada Bari, Karkaar iyo Gardefuu isku diiwaangeliyaan.

Suldaanka ayaa wuxuu uu hoosta ka xariiqay siday lagama maarmaan u tahay inaynsan dawladdu isku xirin nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo mudo xileedka u haray.

Hoos ka akhriso qoraalka Suldaanka:

Asc Mudane Gudoomiye Wakhtiga aad siiseen isdiwaan gelinta Doorashooyinka Golayaasha Degmooyinka punlaand kuma filna natiijada soo baxdayna uma qalanto in loo diwaan geliyo 3 dexda Gobol oo punlaand iyo soomaliyaba ugu waa weyn uguna dadka badan mudane gudoomiye dadkuna waxay ubaahan yihiin wacyigelin intaas ka badan iyo in loo qabto kulamo waa weyn oo dadka lagu qanciyo iney isdiwaan gelinta iyo doorashooyinka Golayaasha degmooyinka punlaand ay tahay masiirkooda

mudane gudoomiye waxaan talo kuugu soo jeedinayaa hadaysan Ahayn waxaagu igu sawir iyo qorsha yaalkale talooyin kaan hoos ku qoran

1, waa in lagu Daro wakhti ku filan isdiwaan gelinta ugu yaraan 45 maalmood 3 dexda Gobol oo hada ay ka socoto isdiwaan gelintu

2, waa in lama gacaabo gudi isugu jira

Culuma udiin iyo nabadoono iyo dhalin yaro iyo siyaasiyiin Dadka wacyi geliya oo Agabkooda loo dhamaystiro

3, waa iney Kaqayb qaataan Ololaha isdiwaan gelinta Xisbiyada la,aqoon saday oo ku tarbamaaya degmooyinka

4, waa inaan laysu xirin nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo mudo xileedka uharay Xukuumada hada talada haysa

Ugu Damayn waxaan ugu baaqayaa dad weynaha reer puntilaand iney isdiwaan geliyaan oo masiir kooda kataliyaan kana faa,iideystaan jaanis kaan maantay soomaray oo lagaga baxaayo doorashooyinkii taraha ahaa

About The Author