Sawirro: Axmed Karaash oo ka digay in Somaliland farogelin ku samayso Shirweynaha Aaya ka tashiga ee dhowaan ka furmaya Laascaanood

21 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada guud ee deegaanada SSC,gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo ah xarunta kacdoonka dadka deegaanku ku doonayaan inay isaga dul qaadaan Maamulka Soomaaliland oo dil iyo barakac joogta ah ku haya.

Madaxweyne Ku -xigeenka ayaa uga digey maamulka Somaliland inuu farogelin ku sameeyo nooc ay u tahayba, uusana Siyaasadayn kacdoonka shacab ee ka socda deegaanada SSC.

Axmed Karaash ayaa yiri ”Waxaan ka digeynaa inaan wax fara gelin ah lagu samayn nooc ay u tahay toona lana Siyaasadayn kacdoonka bulsho ee ka socda deegaanada SSC kaas oo sababay in dadka deegaanku isugu yimaadaan Shirweynaha Aaya ka tashiga ee dhowaan ka furmaya degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo aan rajeynayno in uu kasoo baxo wax dan u ah Masiirka bulshada”

Kulanka waxa qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Tamarta.

About The Author