Muuqaal: Somaliland uu diiday in shirka Aayo ka tashiga SSC lagu qabto Laascaanood

21 Jan 2023 (Puntlandes) Weftiga Wasiiradda ah ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ee ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir Aayo ka tashiga SSC ee qorshaysan inuu ka dhaco magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in magaalada lagu qaban karo oo keliya shir dhaqan oo aan kasoo horjeedin Somaliland, taas oo ka dhigan inay maamulka Somaliland uu diidan yahay in shirka Aayo ka tashiga SSC lagu qabto Laascaanood.

About The Author