Wararkii u dambeeyey ee weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta gobolka Banaadir

22 Jan 2023 (Puntlandes) Alshabaab ayaa ku qaaday xarunta gobolka Banaadir weerar ku bilowday qaraxyo ah  Ismiidaamin.

Sadex qarax oo is xigxiga ka dib ayey dabley hubaysan oo Alshabaab ah waxay gudaha u galeen xarunta gobolka Banaadir.

Gudaha xarunta waxaa ku jirta mas’uuliyiin heer gobol, heer degmo, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasoo aan la ogeyn xaaladooda.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo ka hadlay weerarka ka socda gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegay in mas´uuliyiin badan laga soo badbaadiyey iyagoo bad qaba.

Dhanka kale Alhabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegatay in dabley ka tirsan ay gudaha toogasho ka wadaan.

 Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xili Alshabaab deegaano badan iyo magaalooyin ay maamulayeen laga qabsaday.

About The Author