Somaliland oo Qaadka Itoobiya cashuurta ku kordhisay, kan Kenya dhintay

22 Jan 2023 (Puntlandes) Somaliland ayaa Qaadka uga yimaada dalka Itoobiya waxay ku kordhisay cashuurta ay ka qaado, taas oo kororku yahay 2.21129 doolar 1KG.

Sidoo kale Somaliland ayaa dhintay cashuurta ay ka qaado Qaadka uga yimaada dalka Kenya, waxayna noqonaysaa dhimistaasi -0.72171 doolar 1KG.

Canshuurta ay ka qaadi jirtay Qaadka Itoobiya horay u ahaa 1.567 doolar 1KG halka iminka laga dhigay 3.77829 doollar wuxuuna kororka canshuurtu ay noqonayso 142%.

Sidoo kale Canshuurta ay ka qaadi jirtay Qaadka Kenya horay u ahaa 4.5 doolar 1KG halka iminka laga dhigay 3.77829 doollar waxayna dhimista canshuurtu noqonaysa -16%.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu aad qaali u noqon doona Qaadka Itoobiya maadaa dawladda Itoobiyana ay Candshuurtii horay u kordhisay dhankeeda.

About The Author