Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ku eedeeyey Ciidamada Kililka 5aad, Liyu Police inay laayeen dad shacab ah

1 jun 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen weliye Cirfo ayaa wuxuu ku eedeeyey ciidamada Kililka 5aad ee Itoobiya inay laayeen dad shacab ah oo waxba galabsan.

Gudoomiye Cirfo oo u waramat wakaalada wararka ee AFP maalinkii shalay ee ay bishu ahayd 31 May 2015 ayaa wuxuu yir ”Ciidamada Liyu Poliska waxay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Waxayna Weerareen Tuulooyin waxayna ku dileen shacab Xoolodhaqato ah”

Gudoomiye Cirfo ayaa wuxuu intaas ku sii daray inay DFS ogtahay dhacdadan ayna ka codsatay dawlada Itoobiya iyo AMISOM inay soo farageliyaan arintan.

Puntlandes.com

About The Author