Waaaradda Caafimaadka Puntland oo si KMG ah Agaasimaha Guud loogu magacaabay wiil ay qaraabo dhow ay yihiin Madaxweynaha Puntland

23 Jan 2023 (Puntlandes) Wasiirka Caafimaadka Puntland oo fulinaya amar kasoo baxay madaxweynaha ayaa si kumeel gaar ah ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Xidig oo qaraabo dhow ay yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Agaasimihii hore oo muddo dheer xilkaas hayey ayaa amar kasoo baxay madaxweynaha waxaa lagu sameeyey shaqo joojin.

Xidig waxa uu ku magacaabnaa Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaana loo arkaa magacabistiisa fursad lagu fududaysanayo socod siinta mashaariic uu kamid yahay mashruuca Damal Caafimaad.

Mashruucaas ayaa waxaa ku jira fursado shaqaalaysiin horleh, dhismayaal caafimaad iyo keenista qalab caafimaad waana mashruuc balaaran oo Bankiga aduunku ugu talagalay in lagu horumariyo Caafimaadka Puntland.

About The Author