Muuqaal: Taliye Nuux Taani “anaga leh Baabuurta Garaadada soodhawaysay, amniga shirkana Ciidanka Somaliland…..”

24 Jan 2023 (Puntlandes) Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo Warbaahinta kula hadlay duleedka magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay xukumaan oo ay gacantooda ku jirto magaalada Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gaadiidka iyo ciidanka hubeysan ee Isimada magaalada soo galay galbinayay ay Somaliland leedahay.

Dhanka kale Nuux Taani ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland ay sugayaan amniga shirka la filayo inuu dhawaan uga furmo Isimada SSC.

About The Author