Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta dekadda Bosaso

24 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta lagu samaynaayo Dekedda magaalada Boosaaso.

Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso.

Munaasibadda waxaa kasoo qayb-galay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cisman, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimada dhaqanka, siyaasiyiin, haldoor, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

About The Author