Muuqaal: Ciidanka Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaano oo ku dhawaaqay inay galayaan magaalada amniga gacanta ku qaban doonaan

24 Jan 2023 (Puntlandes) Saraakiisha Ciidanka Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo saxaafadda la hadlay ayaa ku dhawaaqay inay galayaan magaalada amnigana gacanta ku qaban doonaan.

Saraakiisha oo sheegtay inay hogaaminayaan Ciidanka galaya magaalada ayaa ku sababayeey wax ay ugu yeereen Khamriga oo magaalada ku soo batay iyo amnigii oo gacanta ka baxay.

Dhanka kale magaalada kama jiro amni darro iyo Khamri ee waxaa ku sugan iminka Garaadadii magaalada u dhashay oo u yimid magaalada shir aayo ka tashi oo shacabka gobolada SSC ku qabsanayaan halkaas.

About The Author