Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenkaPuntland oo kulan Salaan, Booqasho iyo Is-xogwaraysi ah ugu tegey Garaad Maxamed Garaad Abshir

25 Jan 2023 (Puntlandes)  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa kulan Salaan, Booqasho iyo Is-xogwaraysi ah ugu tegey Garaad Maxamed Garaad Abshir.

Garaad Maxamed ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garowe, wuxuuna u yimid ka qaybgalka shirka aayo katashiga gobolada SSC.

Garaad Maxamed ayaa maalinta berri ah haddii Allah idmo u safri doona magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ku sugan yihiin dhamaan Garaaddada beesha gobolada SSC uuna ka dhici doono shirku.

About The Author