Sawirro -Muuqaal: Agaasimihii hore ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo xilka wareejiyey

26 Jan 2023 (Puntlandes) Waxaa maanta ka qabsoontay wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland munaasibada xil wareejinta iyo sagootinta agaasimihii hore ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xassan iyo kusimaha agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig.

Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xassan kuxigeenka wasiirka Abdinaasir Yusuf Xaaji, agaasimayaasha wasaaradda ayaa ka qaybgalay.

Dr Abdirisaaq Xirsi Xassan agaasimihii hore oo ka hadlay munaasibadda ayaa yiri:-

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta wareejiyo xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo aan mudo kasoo shaqaynayay, waxaan wasaaradda la wareegay iyada oo aan lahayn xafiisyo iyo shaqaale ku filnaa inay ka shaqeeyaan waxaana maanta wareejinayaa wasaaradda oo kamid ah kuwa ugu waaweyn ee Puntland, waxaan si mugleh ugu mahadcelinayaa madaxweyne Dr Abdirahmaan Shiikh Mohamed Mohamuud oo i magacaabay iyo madaxweyne Abdiwali Ali Gaas, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweyne Siciid Abdulaahi dani oo aan soo wada shaqaynay mudo 4 sano ah,dhamaantood waxay qayb ka ahaayeen shaqooyinka baaxada lahayd ee aan qabanayay aniga iyo wasiiradii kala duwanaa ee aan soo wada shaqaynay.”

“ Wasaaradda mudadii aan xilka joogay waxaa ku guulaysanay inaan dhisno xarunta dhexe oo ka kooban 85 xafiis waxaa sidoo kale dhisnay dhamaan sagaalka gobol xarumo ay ku shaqeeyaan oo qaybtood shaqaale ka badan ay ka hawlgalaan, waxaan kordhinay shaqaalaha wasaraadda oo markaan imid ka koobnaa 225 guud ahaan hadana aan gaarsiinay 4,716 shaqaale oo kala jooga gobolada iyo degmooyinka, waxaan xafiiska imid iyadoo ay jiraan 32 xarumood oo caafimaad kuwasoo iskugu jira cisbitaalo iyo xarumo kale oo caafimaad hadana waxaan jira 349 xarumood. Waxaan wareejinayaa maanta 31 ambulance iyadoo awal aan ugu imid 9 xabo oo kaliya, waxaan maanta wareejinayaa siyaasadihii caafimaad ee la hormariyay.”

“Ugu danbeyn agaasimaha ayaa umahadceliyay shaqaala weynaha wasaaradda heer gobol, degmo iyo xarumaha caafimaadka meelkasta oo ay joogaan waxaana uu urajeeyay horumar wacan.”

Dr Mohamed Mohamuud Xidig kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha qorshaynta wasaaradda oo xilka la wareegay ayaa munaasibada hadal kooban oo uu ka jeediyay sheegay:-

“Sharaf ayay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo munaasibada aan kula wareegayo agaasimaha guud ee wasaaradda kuna sagootinayno agaasimihii hore Dr Abdirisaaq Xirsi Xassan oo mudo dheer soo hayay xilkaas, sida uu munaasibada ka sheegayna wasaaradda mudada uu joogay ku hogaamiyay horumar la taaban karo, si gaar ah waxaan anigana aan wada shaqaynay sanadadii la soo dhaafay, aniguna waxaan meesha uu keenay ka sii qaadi doonaa shaqada baaxadaleh ee wasaaradda waxaana horumariyo sina laba jibaaro shaqada socotay.”

“Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa wasiirka wasaaradda, wasiir kuxigeenka iyo wasiiru dawlaha inay ii igmadeen inaan shaqada sii wado.”

Abdinaasir Yusuf Xaaji Wasiirkuxigeenka wasaraadda caafimaadka Puntland oo munaasibada ka hadlay ayaa yiri:-

“ waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibada milgo iyo sharafta leh oo uu xilka ku wareejinayo agaasime Abdirisaaq Xirsi, waxaan dhamaanteen makhtaati ka nahay shaqada baaxada lahayd ee uu soo qabtay agaasimaha xilka ka tagaya waxaana qirayaa inuu ahaa hawlkar shaqada uguta sida ugu wanaagsan waxaan sidoo kale soo dhawaynataa kusimaha agaasimaha Mohamed Mohamuud Xidig oo aan ka rajaynayo inuu horay usii wado shaqadii socotay.”

Dr Jamac Farax Xassan wasiirka wasaraadda caafimaadka oo gabagabadii munaasibada aya sheegay:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibadaan aan ku sagootinayno xilkana uu ku wareejinayo agaasimihii hore Dr Abdirisaaq Xirsi Xassan oo sida khudbadiisa ka muuqatay inaga oo dhamina aan wada ognahay mudadii uu xafiiska joogay qabtay shaqo lagu bogaadin karo, waxaan xasuustaa markii 2020 Covid19 dalka ka dilaacay wasaaraddu inay sida ugu wanaagsan umaaraysay xaaladiisa agaasimaha uu ahaa dadkii laf dhabarka u ahaa shaqadii laga qabtay inkastoo aan weynay dad badan oo qaali inagu ahaa, agaasime abdirisaaq waxaan urajaynayaa mustaqbal wanaagsan.”

“Wasiirka ayaa kusimaha agaasimaha guud kula dardaarmay inuu shaqada socotay sii laba jiraabo kana sii shaqeeyo sidii loo hor marin lahaa dhamaanteena aan uga wada shaqayn lahayn sidii bulshadeena ugaarsiin lahayn adeega caafimaad ee ana dawlada wakiilka uga nahay.”

“Wasaaradda waxaa qorshaha ka go’an inaan culays saarno labo qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah baahinta caafimaadka oo meelo cusub la gaarsiiyo adeega iyo tayaynta adeega caafimaadka taasoo ah in la kordhiyo xirfadlayaasha caafimaadka.”

About The Author