Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukuntay odaayashii hashiiska Xaradheere kula galay Alshabaab

29 Jan 2023 (Puntlandes) Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga saarin Alshabaab magaaladaas 16-kii January sanadkan 2023.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Alshabaab oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganayo dhaqan aysan ku matalin reer ka mug wayn go’aankooda.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay 5 Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Police-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dhanka kale Odoyaasha ayaa haysto fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

About The Author