DDS oo ku dhawaqday in shaqadii laga joojiyay dhamaan warbaahinta laga leeyahay Soomaaliya & BBC

29 Jan 2023 (Puntlandes) Dowladda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaqday in shaqadii laga joojiyay dhamaan warbaahinta laga leeyahay Soomaaliya ee aan wax fasax ah ka haysan wakaalada maamulka warbaahinta.

Qoraal kasoo baxay Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya (Ethiopian Media Authority) kadib waxa uu maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ku dhawaaqay in illaa 14 telefishan oo kuwa Soomaalida ah aysan kasii shaqeyn doonin dalkaasi.

“Dhamaan warbaahinta kala duwan ee laga leeyahay dalka dibaddiisa ee raba inay ka dhaq-dhaqaaqaan gudaha dalka Itooboya, waa inay fasax ka haystaan wakaaladdan, daba-gal badan oo aan samaynay waxaan soo ogaanay inay deegaanka Soomaalida ka shaqeeyaan warbaahino laga leeyahay dalka dibaddiisa, kuwaasi oo wax fasax ah aan ka haysan wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday wakaaladda.

Xafiiska Warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ka duulaya warqaddaas heer federal kasoo baxday ayaa waxa uu shaqada ka joojiya telefishanada kala ah; MM TV, Universal TV, Horyaal TV, Eryal TV, Kalsan TV, CBA TV, Horn Cable TV, Star TV, RTN TV, STN TV, Goobjoog TV, SAAB TV, Sahan TV, Five TV iyo BBC Somali.

“Waxaa dhamaan laamaha amniga ee DDS lagu wargalinayaa in ay warbaahinta dalka dibadiisa laga leeyahay iyo wakiila-wareedyadooda ee ku xusan lifaaqan ee sida sharci darada ah uga shaqeeya DDS ay ka qaadaan talaabada ku haboon ee sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Warbaahintan shaqada laga joojiyay ayaa fasax kumeel-gaar ah ka haystay xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Arrinta ayaa sidoo kale timid xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta ka deyrinaysay xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo xukuumadda deegaanka Soomaalida.

Si kastaba, wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya oo fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa ayaa ah wakaaladda kaliya ee bixisa ogolaanshaha ay warbaahin dibadda laga leeyahay ay kaga howl-gali karto deegaanada dalkaasi.

About The Author