Muuqaal: Muuse Biixi “Argagixisadaa soo tuuraysa ereyga ah Soomaaliland ciidankeedu ha ka baxaan Laascaanood mana ka baxayaan ciidaanku waana daafacaynaa dalkayaga”

30 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in xiisada ka taagan magaalada Laascanood ee xarunta gpbolka Sool ay tahay mid ay ka dambayso argagixisada caalamiga ahi.

Muuse Biixi ayaa yiri “Argagixisadaa soo tuuraysa ereyga ah Soomaaliland ciidankeedu ha ka baxaan Laascaanood mana ka baxayaan ciidaanku waana daafacaynaa dalkayaga”

Hadalkaan ayaa wuxu u muuqdaa in Muuse Biixi qorshaystay una diyaargaroobay inuu weerar ku qaado dagaal lagu hoobtayna ka ooggo Gobolka Sool oo uu iminka ka socdo shirweyne ay Isimada iyo waxgaradka gobolada SSC uga tashanayaan aayahooda.

About The Author