Dekadda Bosaso oo madaxweyne Deni ka joojinayo inay ka shaqeeyaan wiishashka gaarka loo leeyahay

30 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku amrey Wasiirka wasaarada Dekedaha Axmed Yaasiin Saalax in uu soo saaro warqad qoraal ah oo dekadda looga joojinayo wiishashka gaarka loo leeyahay, si loogu wareejiyo wiishash ay keensadeen DP-WORLD iyo Deni.

Amarka shaqada looga joojiyey wiishashka ganacsatada Puntland leeyihiin wuxuu dhaqan galayaa 1-da bisha February 2023-ka, laga bilaabo waqtigaas waxaa shaqada dekadda ee dejiinta badeecadaha iyo rarida alaabaha dhoofaya lagu qabanaya wiishash ay keensatay shirkada DP-WORLD iyo Deni.

Wareegtada uu soo saaray wasiirka dekadaha waxaa lagu sheegay madaama la bilaabayo ballaarinta dekadda in ay culeys ku yihiin wiishaahka ganacsatada Puntland howlaha shaqo ee dhismaha dekadda, balse wiishaashka DP-WORLD u fududeynayaan shaqada wax dejinta iyo rarida badeecadaha loo baahan yahay in dekadda Bossaso ka howlgalaan oo kaliya wiishashka DP-WOLRD.

Tani waxay curyaaminaysaa Dhaqaalihii ka soo geli jiray dadka deegaanka ee wiishashka dekadda ka shaqeyn jiray lahaa, taasoo dhabar jab ku noqon doonta boqolaal qoys oo ku noolaa lacagaha ka soo geli jiray wiishashka muwadiniinta reer Puntland lahayeen.

About The Author