Sawirro: Somaliland oo maleeshiyaad horleh keenay Laascaanood & Taangiyada SSC

01 Feb 2023 (Puntlandes) Maamulka Somaliland ayaa maleeshiyo beeleed horleh keenay magaalada Laascaanood iyo deegaano ku dhow.

Maleeshiyaadkan oo laga soo aruuriyay deegaannada iyo miyiga magaalada Burco oo lagu soo qaaday gaadiidka loo yaqaan Waaraadka ayaa saaka la keenay qaarkood Laascaanood, iyadoo lagu xareeyay xerada ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa yri “Waxay ahaayeen maleeshiyaad beeleed saaran ilaa 4 gaari oo ah waaraado, kuwaas oo xirnaa macawiso waxaana lagu xareeyay xerada ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka Laascaanood oo la yiraahdo Gooja-cadde”

Maleeshiyaadkan ayaa qeyb ka noqonaya maleeshiyo beeleed uu maamulka Somaliland maalmihii lasoo dhaafay keenayay gobalka Sool, kuwaas oo hab qabiil looga soo aruurinayay gobalka Waqooyi galbeed, iyo qeybo kamid ah goballada Togdheer iyo Sanaag.

Dhanka kale, Taangiyo dagaal oo ay leedahay BeeshaDhulbahante ayaa laga soo qaaday saaka deegaanka Yagoori, waxaana la keenay magaalada Laascaanood, gaar ahaan xerada Guulwadayaasha, oo fariisin u ah ciidamada Mahad Cambaashe oo ka mushaar qaata Somaliland, balse maamulkaas uu shaki badan ka muujinayo hada.

Xaalada Laascaanood ayaa sii cakirmaysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana magaalada ka socda Shirweynaha Aayo-katalinta goballada SSC oo ay leeyihiin Isimmada dhaqanka deegaanadaas, kuwaas oo kal horeba ugu baaqay maamulka Somaliland inuu uga baxo deegaanadooda.

About The Author