Akhriso War-murtiyeed laga soo saaray shirka madaxda Somalia, Itoobiya, Kenya & Jabuuti

01 Feb 2023 (Puntlandes) War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirka madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo maanta ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo looga arrinsanayay dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa si gaar ah diirada loogu saaray sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Argagaxisa Alshabaab.

About The Author