Sawirro: Wafti ka socda Koridoorka kulamo kala duwan la yeeshay madax Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya

05 Feb 2023 (Puntlandes) Wafti isugu jira Maamulka Sare ee Shirkadda Wadaagsin ee gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad, Guddiga Waddada Wadaagsin ee isku xirta Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob iyo Gudoomiyaha Kastamka iyo Dekedda-qalalan (dry port) ee Tuurdibi oo maalmahaan ku sugnaa magaaladda Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madax Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulamadaan oo dhamaantood daarnaa dardargalinta dhismaha Waddada Garacad-Gaalkacyo-Galdogob oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhagaxdhigay deegaanka Garacad ayaa guul ku soo dhamaaday.

Intii ay ku sugnaayeen magaaladda Muqdisho, waftiga ka socday Koridoorka Garacad waxay kulamo la qaateen:

1) Madaxwaynaha DFS, Dr Xassan Sh Maxamuud

2) Raysalwasaaraha DFS, Mudane Xamza Abdi Barre

3) Wasiirka Maaliyadda DFS, Dr Elmi Maxamuud Nur

4) Wasiirka Qorshaynta DFS, Mudane Abdirahman Maxamuud Beena-beene.

5) Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Ismail Abdirahman Sh. Bashir

6) Wasiirka Dekaddaha, Mudane Abdullahi Ahmed Jamac (Ilka-jiir)

Madaxwaynaha Dawladda Federaalka mudane Xassan Sheekh iyo Raysalwasaha DFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee koridoorkaas Garacad laga qabtay iyagoo ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Madaxwaynaha iyo Raysalwaaraha Dawladda Federaalka ah ayaa waftiga u xaqiijiyey in dhismaha Waddada isku xirta Garacad-Gaalkacyo-Galdogob ay ka mid tahay mashaariicadda Dawladan hortabinta u leh, isla markaasna, si dhaqsa ah looga hawl-galayo hirgalinteeda. Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa Wasaaradaha ay arintaan qusayso ku armay in Waddadaas lagu daro wadooyinka hortabinta leh, hirgalinteeda si dhaqso ah looga hawgalo.

About The Author