Somaliland weerar xooggan ku qaaday magaalada Laascaanood

06 Feb 2023 (Puntlandes) Dagaal u dhexeeya Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC ayaa ka socda duleedka Laascaanood.

Ciidanka Somaliland ayaa sida wararku sheegayan weeraray ciidamada difaaca SSC ee ku sugan Laascaanood.

Balse Ciidamada degaanka ayaa iska difaacay duullaanka maamulka Muuse Biixi waxaana Somaliland lagu jebiyay saddex aag sida xogaha lagu helayo.

Ciidamada SSC ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan tekniko ah

Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa gacanta ku dhigay gurigga gobolka iyo Hoteel lagu magacaabo Xamdi oo deeggaan u ahaa wasiirro ka socda Somaliland, kaddib dagaal ka qarxay magaaladaas aroortii hore.

Khasaaraha labada dhinaca weli faahfaahin sugan lagama hayo waxaana weli socda dagaalka.

About The Author