Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka maalintii 2aad ka soconaya Laascaanood

07 Feb 2023 (Puntlandes) Dagaal culus ayaa maalintii labaad si ballaran uga soconaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada deegaanka.

Labada dhinac oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan ayey wararku sheegayaan in dagaalka saaka ay ciidamada deegaanku ku guuleysteen in saldhigyo muhiim ah iyo goobo uu kamid yahay guriga gobalka kala wareegaan ciidamada maamulka Somaliland.

Dagaalka maanta ayaa sidoo kale geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana waxyeelo ba’an soo gaartay dad shacab ah oo madaafiic culus ay ciidanka Somaliland ku dhufteen guryahooda.

Sidoo kale Somaliland ayaa bilowday in ay ciidamadeeda ka qaado deegaankaTukaraq oo ay qabsadeen Janaayo 2018kii, waxaana ay hadda xooga saarayaan dagaalka kasocda duleedka magaalada Laascaanood iyo talisyadeeda Gooja-cade iyo Gambara.

Maamulka Somaliland ayaa durba mar kale bedelay luuqada uu uga hadlayo dagaalka Laascaanood, waxaana war qoraal ah oo kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin uu ku sheegay in dagaalka saaka ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland iyo kuwa khaatumo.

About The Author