Muuqaal: DFS oo ka hadashay dagaalka Laascaanood, taageertayna go’aanka shacabka SSC

07 Feb 2023 (Puntlandes) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay dagaalka culus ee maalintii labaad ka soconaya caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood, iyadoo ku baaqday in wada-hadal ay galaan dhinacyada dagaalamaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii kasoo baxay Isimadda dhaqanka SSC, kaas oo dhigayay in aysan kamid aheyn Somaliland, ayna u taagan yihiin midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Fiqi ayaa xusay in DFS ay masuuliyadda ka saaran tahay ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray inay taageersan yihiin rabitaanka shacabka.

Waxaa uu ugu baaqay waxgaradka labada dhinac inay dhameeyaan xaalada, lana joojiyo dagaalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod”

About The Author