Sawirro-Muuqaal: Muumulka & Golaha deegaanka Laascaanood ”magaalada waxaa ku socta duqeyn aan loo meel dayin”

08 Feb 2023 (Puntlandes) Shir Saxaafadeed ay goor dhaweyd qabteen golaha deeganaka Laascaanood oo uu hogaaminayo Duqa magaalada Laascaanood Cabdirixin Cali Ismacil iyo ku xigeenkiisa ayey ku sheegeen in danbiya dagaal ay Soomaliland Laascaanood ka geysatay.

Maayarka Laascaanood ayaa yiri “Laascaanood Somaliland iyo Dhulbahante ayaa ku dagaalamaya argagaxiso iyo Puntland ma joogto, ina Biixiyow ciidankaaga”

Golaha deegaanka ayaa sheegay in dagaalku u dhexeeyo Soomaliland iyo beesha dhulbahante Argagixisana aysan joogin magaalada laascaanood Puntlandna aysan dagaalka qeyb ka ahayn.

Golaha degaanka Laascaanood ayaa yiri “Laascaanood duqayn ayaa ka socota waxba dadka loolama hadhin”

About The Author