Maalintii saddexaad oo uu socdaa dagaalka Laascaanood

08 Feb 2023 (Puntlandes) Dhawr jiho ayay xabbaddu ka socotaa saaka, waxaana la tilmaamayaa dagaalka maanta in uu ka culusyahay kuwii labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Xoogga dagaalku wuxuu ka socdaa, kuna wajahanyahay saldhigga millatariga Somaliland ku leeyihiin Bariga magaalada ee Goojocadde, saldhiggaasi oo ka mid ah fadhiyada waaweyn ee millatariga Somaliland ku leeyihiin gobolka Sool.

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay dhawrkii maalmood ee dagaalkaadi socday, kuwaasi oo ay ku jiraan carruur iyo haween ay haleeshay madaafiic ay rideen millatariga Somaliland, waxaana burburay hanti badan oo ah guryo dad shacab ah ay leeyihiin.

Dagaalka maalintii saddexaad ka socda Laascaanood, ayaa ka kacay dilal joogto ah, cabburin, iyo cadaadisyo muddo 15 sano ah Somaliland ay ku haysay dadka deegaanka, kadib markii ay Laascaanood qabsatay sannaddii 2007-dii.

Sida muuqata haatan way soo idlaatay joogistii Somaliland ee gobolka, maadaama dadka shacabka ah ee gobolku kala horyimaadeen kacdoon diidmo maamulka iyo ciidamada Somaliland.

About The Author