Muuqaal: Sheekh Umal “Sugidda amniga Laascaanood Somaliland wey ku fashilantay, in dadkii banaanbaxay la dilo sax maaheyn, markay tashadeen oo ay maslaxadooda ahna qaateen….”

10 Feb 2023 (Puntlandes) Sheekh Max’ed Cabdi Umal ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo sababihoii keenay, isagoo ku dhaliilay maamulka Somaliland sida ay u maamuleen arinta magaaladaas.

Sheekh Umal ayaa yiri “Sugidda amniga Laascaanood Somaliland wey ku fashilantay dadkii markay adkeysan waayen dilalka qorsheysan oo ay kacdoon muujiyeen, oo ka gadoodeen dilalka lagu dhameeyey waxgalkii bulshada, in dadkii banaanbaxay la dilo sax maahey”

Sheekha ayaa ku sii daray “mida 3aad markay tashadeen oo ay isku yimaadeen waxgaradkooda go’aan iyaga maslaxadooda ahna qaateen oo dhaheen Midnimada Soomaali baan rabnaa ma aheyn in lagu duulo oo madaafiic lagu garaaco oo lalaayo”

“Gar Ilaahay bay taqaan, runta in la sheego Ilaahay baa loogu dhawaanayaa, kuwa dhahaya sheekhu waa qabiil hadlayaa, war ilaahay aan ka cabsano runta waa cadeynaynaa”

About The Author