Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga banaynta dhulka dowladda iyo furista jidadka Bosaso

10 Feb 2023 (Puntlandes) Iyadoo laga jawaabayo baahida horumarineed ee Magaalada Boosaaso, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxa uu magacaabay Guddiga Banaynta Dhulka Dowladda iyo Furista Jidadka Magaalada Boosaaso.

Guddigaan oo ka kooban Guddoonka Gobolka Bari, kan Degmadda Boosaaso, Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland, waxay u xilsaaran yihiin Banaynta Dhulka Dowladda ee ay deganyihiin dadka shacabka ah iyo dib-u-hagaajinta waddooyinka Degmadda Boosaaso.

Liiska Xubnaha Guddiga: –

1. Axmed Bashiir Muuse Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud.

2. Axmed Yaasiin Saalax Wasiir ka Wasaaradda Dekaddaha .

3. Maxamed Axmed Kulan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4. Barre Faatax Maxamuud Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

5. Cabdirisaaq Cali Siciid Guddomiaha Gobolka Bari

6. Xasan Cabdala Xasan Guddomiyaha Degmada Boosaaso.

7. Cabdiqaadir Jaamac Dirir Taliyaha Qaybta Gobolka Bari

DHAMMAAD.

About The Author