Sawirro: Gudoomiyayaasha Gobolada Mudug & Doollo oo shir-gudoomiyey kula u dhexeeya Masuuliyiinta Amniga iyo Siiyaasada labada Gobol

21 Feb 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mudane Mubaarak Axmed Maxamed ayaa shir-gudoomiyey kula u dhexeeya Masuuliyiinta Amniga iyo Siiyaasada labada Gobol ee Gobolka Mudug Puntland iyo Gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomalida.

Kulan ka oo ka qabsoomay Degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishta Gobolka, Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Gaalkacyo , Galdogob iyo Bursaalax, Agaasimaha Hay’ada PISA ee Gobolka Mudug iyo Saraakiil kale oo laamaha Amniga ah.

Dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa kulan ka qayb ka ahaa G/sare Maxamuud Cabdiweli (Geesi), Hogaanka Nabad galyada Gobolka Doollo, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Doollo, Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Bookh, Gallaadi, Wardheer iyo Saraakiil kale oo sar sare kana tiraan D.D.S.

Qiimaynta Qorshihii hore wixii ka fulay oo laga wada hadlay.

Kulanka oo mudo saacadaa socday ayaa waxaa looga wada hadlay qodobada hoos ku xusan iyadoona ugu danbayntiina la isku af-gartay.

1. Shirku waxa uu ku heshiiyey Adkaynta amniga labada dhinac(Puntland iyo D.D.S)

2. Shirku waxa uu ku heshiiyey Ladagaalanka Argagixisada si wadjir ah.

3. Shirku waxa uu ku heshiiyey Xoojinta ladagaalanka Maandooriyaha.

4. Shirku waxa uu ku heshiiyey Isu sooqabashada dambiilayaasha iyo hantida lakala dhaco ee labada dhinac(Puntland iyo D.D.S).

5. Shirku waxa uu ku heshiiyey Kor u qaadida ganacsiga, isu socodka gaadiidka iyo macayshada daruuriga ah ee labada dhinac(Puntland iyo D.D.S).

About The Author